Hubanti la’aan ayaa ka taagan xaaladda ay ku suganyihiin Xasan Sheekh iyo xubno katirsan wafdigiisa.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay warar sheegaya in caabuqa Covid19 laga helay qaar badan oo kamid ah xubnaha safarka ku wehlinaya Xasan Gurguurte.

Saraakiil katirsan Villa Somalia ayaa arrintan xaqiijiyay balse waxay diideen in si rasmi ah ay ula hadlaan warbaahinta, Xasan Sheekh oo uu wehliyo Mahad Salaad ayaa 19-kii bishan usafray magaalada Abu Dubai ee dalka isku tagga Imaaraatka Carabta wixii maalintaas ka dambeeyay wax war ah lagama hayn.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa baraha Internetka soo dhigay warar ay ku sheegayaan in madaxweynaha iyo wafdigiisa lala’yahay ayna ubadantahay in xaalad karaantiil ah lagu geliyay magaalada Abu Dubai.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegayay in Xasan Sheekh uu socdaal qarsoodi ah ku tegay magaalada Talaabiib ee caasimadda u ah Yahuudda, safarkii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha DF-ka ku tagay dalka Imaaraatka carabta ayaa dood kulul ka dhax dhalin doona dowladaha Khaliijka oo sanadadii dambe isku garbinayay saaxada siyaasadda Soomaaliya.